|
||
OGADENNEWS |
||
halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read
riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa? 10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka Eng:Ahmed Mukhtar Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi |
kooxda onlf oo heshiis khiyaamo la gashay ururka amhara The Coalition for Unity and Democracy Party (CUDP) oo ka soo horjeeda jiritaanka soomaalida ogadenya!!!
22/05/06,
01/06/06,kooxda onlf oo ku biirtay urur cusub oo lagu magacaabay
ALLIANCE FOR FREEDOM AND DEMOCRACY waxaana ururkan cusub horboodaya amhara iyo oromo oo uu hadafkooda
siyasadeed ku saleysan yahay jiritaanka ethiopia iyo in aysan ethiopia kala go go,in sida aan lawada socono
ururka ahmara oo lagu magacaabo The Coalition for Unity and
Democracy Party (CUDP) waxuu ka soo horjeedaa jiritaanka shacabka ogadenya oo xataa waxay dadkeena u arkaan dad
reer guuraa ah oo ku nool dhulka ethiopia loona baahan yahay in laga saaro dhulka dibna loogu celiyo soomaliya
dhulkana la soo dejiyo amhara oromo iyo ethiopiyada kale sidii uu sameeyay mingiste haile maryam.
marka waxaa arin lala yaabo ah in kooxda onlf ay heshiis midow ah ay la sameeyaan urur ka soo horjeeda jiritanka
shacabka ogadenya. hadii ay kooxda onlf rabto in ay kamid ahaadaan ethiopia oo ay ka tanaasuleen hadafkii xornimo doonka ahaa
maxay u qaadan waayeen nabadii ay odayaal dhaqameedyada ogadenya ay wadeen oo ay ula heshiin waayeen dawlada ethiopia.
waxaa kale oo iyadana loo baahan yahay in la isweydiiyo yaa awooda buuxda u siiyay in kooxda onlf ay mar walba shacabka
ogadenya si indho la'aan ah jar ooga tuuraan.
ururka kale ee iyaguna kujira is baheysiga waa Oromo Liberation Front (OLF) oo iyaguna aan iskuheysano dhul oo hadafkoodu
uu yahay in ay la wareegaan dhamaan dhulka uu shacabka ogadenya dego waxayna wadeen 10 sano ee la soo dhaafay dhul balaadhsi
iyo sheegasho dhamaan dhulka ogadenya marka hadii ay kooxda onlf daacad tahay sidee
ayay ula heshiin karaan
urur dhulbalaadhsi wada kana soo horjeeda jiritaanka shacabka ogadenya.
ururadan ay kooxda onlf heshiiska la galeen dhamaantood waxay siyaasadoodu ku saleysan tahay jiritaanka ethiopia iyo
in ay ethiopia aysan si kastaba aysan kala go go'in waxay kale oo ay aaminsayihiin in ay maalin uun ay soo celin doonaan
eriteria.
xaaladan ay kooxda onlf ku kacday ayaa waxay ku noqotay dad badan oo siyaasiin ah arin la yaab ab oo aysan marna
filanaynin waayo marka aad heshiis la galeyso jabhad kale waa in aad heshaa balan qaad in aad heleyso hadafkii siyaasadeed
ee aad u dagaalameysay ee ahaa xornimada dhulkaaga markii aan akhrinay qoraalkii heshiiska ahaa ee ay kooxda onlf saxiixday
kuma uu jiro hal qodob oo ka hadlaya aayo katalinta shacabka Soomaalida ogadenya dhamaan waxay ka hadlayaan jiritaanka
ethiopia iyo xabada la joojiyo marka xoodka onlf waxay dhiyaamo qaran ay ku sameeyeen shacabka soomaalida ogadenya
waana in lala xisaabtamaa kuwa ka danbeeyay marin habaabinta shacabka.
waxaa in kooxda onlf soo saartaa bayaan ku saabsan in ay ka tanaasuleen hadafkii loo sameeyay ee ahaa xornimo gaaadhsiinta
ogadenya waa in la helaa dad kale oo siyaasiin ah oo la wareega maamulka ururka waayo kooxdan hada way fashilmeen
oo masii wadi karaan ururka iyo ujeedadii loo aasaasay. hadii ay kooxda onlf nabad qaadatay waa in ay cadeeyaan sababaha
ay ku diideen nabadii ay wadeen odayaal dhaqameedyada ogadenya kuna qaateen mida habashida.
markii ay koxda onlf heshiis siyaasadeed kula gashay habashida wadanka Netherland ma waxaa go'aan lagu qaatay shir balaadhan
oo la iskugu yimid loogana wadahadlay in ay dan inoogu jirto in aan la midawno xabashida mise dhawr qabqable ayaa iska
go'aansatay sidii caadada ahaan jirtay.
waxaan oogu baaqeynaa dhamaan shacabka ogadenya in ay horistaagaan isbaheysigan cusub ee ku salaysan marin habaabinta
shacabka Soomaalida ogadenya. waxaa cad inuu Isbahaysigani dhabarjab iyo marin habaabinba uu ku yahay
shacabka soomaalida ogadenya.waxaanuna oogu baaqaynaa Shacabka Soomaalida Ogaadeenya inay ka feejignaadaan
Dabinka ay u qoolayaan kuwa dibin-daabyeynaya Halganka ee Khaainul Wadhaniinta kooxda onlf waxay kaliya oo ay fiirsnayaan
danahooda gaarka ah.
waxaan kale oo aan oogu baaqeynaa in laga soo horjeedsado lagana joojiyo waxii lacag ah ee la siin jiray kooxda onlf
shirar deg deg ahna wadan kasta lagu qabto loogana hadlayo xaaladan cusub ee jaho wareerka ah laguna go'aansado shirarkaa
talaabadii la qaadi lahaa ee loo gala wareegi lahaa kooxdan gacan ku dhiiglayaalka ah ururkii onlf.
kooxda onlf waxay dagaal xabadeed galisay shacabka soomaalida ogadenya iyaga oo aan cidna kala
tashanin dagaalkaa oo keenay khasaare aad u balaadhan naf iyo maalba walina dhibaatadiisii ay socoto. hadana waxay kooxda onlf heshiis midnimo ah la galeen ururada mucaaradka iyaga oo aan
cidna kala tashanin. ururadan mucaaradka oo ah cadowga
koowaad ee qadiyada shacabka soomaalida ogadenya.
dadka siyaasiyiinta iyo waxgaradkuba waxay u arkaan in uu heshiiskan yahay aasida jiritaanka
qadiyada iyo shacabka soomalida ogadenya(political assasination to our nation)
waxayna u arkaan in kooxda onlf ay iibsatay qadiyadii ogadenya loona baahan yahay in la badbaadiyo qadiyadan. hadaba waxaa lagama maarmaan ah in dadka waxgaradka iyo siyaasiyiintu
iyo cidii ka xun afganbiga qadiyada lagu sameeyay in ay shir balaadhan qabtaan lana cadeeyo
in laga soo horjeedo heshiiskaas khaladka ah ee ay kooxda onlf gashay lana cadeeyo in kooxda
onlf aysan matalin shacabka ogadenya isla markaasina la aasaaso urur matala danaha shacabka
ogadenya.
ururadan hoos ku qoran waa kuwa ay heshiiska khiyaamada ah la galeen !!! The Oromo Liberation Front (OLF), The Coalition for Unity and Democracy Party (CUDP),, The Ogaden National Liberation Front (ONLF), The United Ethiopian Democratic Forces (UEDF), The Sidama Liberation Front (SLF), and The Ethiopian People's Patriotic Front (EPPF), Mahadsanidiin www.ogadennews.com
Source: Source:Eng:Ahmed mukhtar sheikh Ogadennews - CONTACT BY EMAIL ![]() |
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi. by:Abdullahi Mohamed |
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
||