|
|||||||||||||||||
WELCOME TO OGADENNEWS |
|||||||||||||||||
SOMALI LINKS
| Labada maamul goboleed ee puntland iyo somaliland oo qabqabtay dad shacab ah oo soomaaliyeed oo u dhashay gobolka Ogaden gacantana u galiyay ciidamada Ethiopia
20/5/ 2008,
Labada maamul ee puntland iyo somaliland oo qabqabatay dad soomaliyeed oo u dhashay
gobolka Ogadenya iyaga oo gacantana u galiyay ciidamada ethiopia.Maamul goboleedka gooni isku taaga ah ee Puntland iyo Soomaaliland waxay caadeysteen qab-qabashada muwaaadiniin Soomaaliyeed iyo u gacan gelinta mudwaadiniintaas ciidamada Itoobiya ayaa waxay ka soo horjeedaa xeer kasta oo aduunweynaha u yaala. Qafaalkaan iyo gacan -gelintaan waxaa aad loogu hayaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo u dhashay ama ka soo jeeda gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Maamul goboleedka gooni isku taaga ah ee Puntland iyo Soomaaliland oo bilaabay ka ganacsiga dad soomali ah oo ku soo qaxay dhulkooda kana soo qaxay gumaadka iyo halaaga ay ciidamada ethiopia ku hayaan shacabka gobolka ogaden u dhashay waxaa arin aad loola yaabo ah lagana xishoodo in labadaa maamul ay iibsadaan dad walaalahood ah iyaga oo dano gaar ah oo siyaasadeed ka leh dawlada ethiopia. labadaa maamul goboleed ayaa waxay ku eedeeyeen dadkaa shacabka ah ee ay qabqabteen in ay taageersanyihiin jabhada ONLF (OGADEN NATIONAL LIBERATION FRONT) waxaan xusuusinaynaa labadaa maamul in aysan aheyn danbi taageerida ama ka tirsanaanta jabhada ONLF. labadaa maamul dadkaa ay qabqabteen wax danbi ah kama aysan galin goboladooda. mana cado sababta loo qabqabtay gacantana loogu galiyay cadowga ethiopia. maamulka puntland waxay gabteen laba nin oo ka tirsanaa madaxda ONLF isla markiiba waxay gacanta u galiyeen ciidamada sirta ee ethiopia ilaa iyo hadana labadaa nin meel ay ku suganyihiin lagama war hayo waxaa labadaa nin qabtay ciimada sirta ee puntland horaantii bishii april 2008. waxay kale oo ay maamulka puntland qabqabteen 10 ruux oo u dhalatay gobolka ogaden dhamaadkii bishii april waxayna ka soo qabteen magaalada gaalkacyo waxay dadkaa shacabka ah gacanta u galiyeen ciidamada sirta ee ethiopia ilaa iyo hadana wax war ah lagama hayo sida ethiopia caadada u ah qof kasta oo lagu tilmaamo in uu taageersanyahay jabhada onlf waxaa loo geystaa ciqaab jidh dil ah ilaa iyo inta ay ka dhintaan ka dibna meydkooda ayaa loosoo tuuraa eyda in ay cunaan. maamulka goboleedka somaliland waxay wadeen mudo dheer in ay qabqabtaan dadka soomaliyeed ee u dhashay beesha ogaden in ay gacanta u galiyaan ciidamada ethiopia laakiin markii ay jabhada ONLF ay gubtay baabuur dhawr ah oo ay lahaayeen dad u dhashay beesha isaaq ee`somaliland oo ka ganacsan jiray gobolka ogaden ayay maamulka somaliland joojiyeen in ay qabqabtaan shacabka ogaden gacantana u galiyaan ciidamada ethiopia. laakiin markii ay maamul goboleedka puntland ay bilawday waxii ay maamulka somaliland horay u bilaabeen ee ahaa qabqabshada iyo iibsiga shacabka ogaden ayay iyaguna bilaabeen sidii laba naagood oo isku masayraya oo la isla qabo!!! wayna iska cadahay in labadaa gobol la isla qabo oo ay ethiopia qabto danaheedana ay u fuliyaan.labadaa maamul goboleed waa maamul ay ethiopia abuurtay oo u shaqeeya taasina waxaa daliil u ah in labada maamule ay bil walba tagaan ardisababa geeyaana lacagaha dekadaha berbera iyo boosaaso laga soo aruuriyo. waxaase arin aad looga xishoodo ah in ay ku dareen lacagihii ay geyn jireen in hadana geeyaan dad masaakiin ah oo aan wax danbi ah ka gelin goboladooda si ay maamulka ethiopia ooga farxiyaan. madaxana riyaale iyo cade uu meles zenawi ugu soo salaaxo oo u dhaho sii wada shaqada fiican ayaad qabaneysaan maalin dhawna xaasaskooda iyo caruurtooda ayay ethiopia u geyn doonaan. ee somaliyeey hala iska qabto kuwa magaca soomaliyeed sheeganaya ee u adeega cadowga ethiopia. Riyaale iyo Cade waxay khatar ku yihiin dhamaan umada soomaliyeed waxayna bilaabeen iibsashada shacabka ogadenya illaahay ayaa og waxii kale ee ay soo wadaan!!! maamulada puntland iyo somaliland waxaan xusuusineynaa in ka gacasiga dad soomaliyeed ay khalad tahay kana soo horjeedo dhamaan sharciyada u yaala aduunweynaha in dad aan danbi laheyn gacanta loo galiyo cadowgooda hadii ay dadkan danbiyo ka galeen goboladooda waxay sheeganayaan in ay maamul xor ah leeyhiin maxay maxkamadahooda u soo taagi waayeen ama ay xabsiyadooda u geyn waayeen waa iyaga intay ilsa markiiba la ordeen ethiopia ka iibsaday falalka ay labadaa maamul ku kaceen waxay kale oo ay ka soo horjeedaan 1)xaquuqda biniaadamka 2)islaanimida 3)somalinimida 4)wadadhalashada Sida ku cad Dastuurka Soomaaliya ee 1960-kii (kaas oo tix-gelin ka mudan axdiyada mac-malka ah ee la sameeyey dagaalada sokeeye kaddib), qof kasta oo hooyadi iyo aabihi ay Soomaali yihiin – ha ku noolaado gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ama Kenya, ama Itoobiya ama dibada ama meel ka mid ah daafaha adduunka – qofkaasi si su'aal la'aan ah ayuu muwaadin uga yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Taasina waxa ay sugaysaa ama siinaysaa muwaadinkaas xuquuq laguma xad-gudbaan ah taas oo aanay ka xayuubin karin siyaasiyiin iyo ciidamo "nabad sugid ku sheeg ah" balse nabadda waddanigaas waxyeeleynaya kuwaas oo u adeegaya waddan kale. sida aan lawada socono maamulka puntland waxaa iska soo xidhay dadkii ay doomaha intay ku guraan ay lacag ka qaataan kadibana ay bada yemen ku daadin jireen waxaa kale oo faraha ka baxay lacagihii ay dadku guryahooda ku daabacan jireen dhaqaalahoodiina hoos ayuu u dhacay waxayna maamulka puntland iyo somaliland ay bilaabeen suuq cusub oo ah ka ganacsiga beesha ogaden ee ku nool goboladooda( NEW TRADE). iyaga oo ka iibasada ciidamada ethiopia dadkaas oo ay ethiopia ula dhaqanto fal aad u xun oo biniaadamnaimada ka baxsan jidh dil kufsi, qaraac, iyo dil. waxaan kale oo aan xusuusineynaa in labada maamul puntland iyo somaliland beelaha ay ka soo jeedaan ama ay matalayaan ay ku nool yihiin kana ganacsadaan gobolada ogaden loona geysan karo dhibaatooyin la mid ah kan loo geysanayo dadka u dhashay gobolka ogaden ee ku nool goboladooda. waana in ay labadaa maamul si deg deg ah u joojiyaan Maamullada Puntland iyo Somaliland waa in ay ka waantoobaan qafaalka sharci darrada ah iyo gacan-gelinta damiir la'aanta ah ee ay kula kacayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, ee Jamhuuriyadda ku nool, ama kuwa ku nool meelaha kale. Qafaalka qof Soomaali ah iyo gacan-gelinta loo gacan geliyaa Itoobiya waxaa ka dhalanaya xad-gudub, jir-dil ama kaba darane dil loo geysto muwaadinkaas Soomaaliga ah. danbigan qabqabashada iyo xasuuqa loo geystay shacabka somaliyeed ee u dhashay beesha ogaden ee ku nool maamul gobaleedka puntland iyo somaliland shacabkooda iyo uwaasyadooda iyo salaadiyiintooda iyo wax garadkaba way ka hadleen canbaareeyeena maamulka iyo in ay joojiyaan falka xun ee kala soocida somalida in ay joojiyaan ilsa markaasina ay ka soo horjeedaan falalka xun ee xasuuqa ah ee lagula kacay dadka ka soo jeeda beesha ogaden. beesha ogaden waxay umahad naqeysaa dhamaan dadkii odayaasha ahaa ee ka hadlay BBC cadeeyayna in ay ka soo horjeedaan falalka xun xun ee xasuuqa shacabka soomaliyeed ee beesha ogaden in ay tahay mid khalad loona dulqaadankarin lana joojiyo sida oogu dhakhso badan isla marlkaasina soomalidu ay isku hoos nooshahay meel kasta oo ay joogaan waayo waa dad isku mid ah isku diin ah isku af ah hal umadna ah. beesha ogaden wax colaad iyo xumaan ah uma qabto laba shacab ee puntland iyo somaliland laakiin waxa dhibaatada ay u geystay waa kuwa sheegta in ay yihiin madaxda labadaa gobol ee gooni isku taaga sheegtay. Riyaale iyo Cade waxay ka shaqeynayaan iska horkeenka beelaha soomaliyeed ee walaalaha ah iyaga oo raba in ay qariyaan xukunkooda iyo maamulkooda soo burburaya waxa kursiga ku hayana waa ethiopia iyaga oo fulinaya danaha ethiopia marka ay ethiopia danaheeda ku fushatana dabada ayay ka laadi sidii dagaal oogayaasha reer koonfurka. ethiopia hadafka oogu weyn ee ay somalia ka leedahay waa in ay u kala jabjabiso gobolo yar yar ah oo dhamaan hoos yimaada taliska ethiopia canshuurahana dekadaha ka soo aruuriya qof kasta oo ay u baahdaana u soo qabta gacantana usoo galiya. marka labada maamul goboleedka waqooyi iyo bari waa kawaanka cusub ee lagu qalo somalida ka soo jeeda beesha ogaden. taariikhda ayaana la xisaabtami doonta Riyaale iyo cade danbiyada biniaadanimada ka baxsan ee ay kula kaceen beesha u dhalatay gobolka ogaden.!!!
![]() Qore:Eng: Ahmed Mukhtar Sheikh ogadennews1@hotmail.com ![]() |
SOMALI MAQAAL
|
|||||||||||||||
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
|||||||||||||||||