OGADEN NEWS
Contact ...US


Wadanka Denmark ma cadowga cusub ee muslimkaa?

BREAKING NEWS

denmark news israel of europe
Eng:Ahmed mukhtar sheikh(eegge) isaga ayaa qoraalkan idiin soo diyaariyay
9/11/05,

wadanka Denmark waa wadan yar oo ka mid ah wadamada scandanevianka wadankan waxaa ka jirta boqortooyo mudo dheer jirtay waxaana wadankaa ka taliya xisbi lagu magacaabo Danish People's Party oo ku caan baxay midab takoor kana soo horjeeda dadka ajnabiga ah ee wadankooda ku nool wadanka denmark oo ahaan jiray dhexdhexaad ayaa baryahan danbe waxuu qaaday talaabo dheeraad ah oo looga soo horjeedo dadka muslimiinta ah iyo diinta muslimka.

iyaga oo adeegsanaya saxaafadooda sida jariidadaha iyo telifishinka wadankaa, sababta igu kaliftay in aan wadankan wax ka qoro bishii october 2005, ee la soo dhaafay ayaa jariirad ka soo baxda wadanka denmark lagu caayay nabiigeenii suubanaa (s.w.c)iyo diinta islaamka taasi oo ah fadeexad weyn oo loo geystay diinta islaamka qof kastana oo diinta islaamka heysta ay tahay in uu ka dhiidhiyo. joornaalkan oo lagu soo sawiray sawiro cartoon ah oo ay ku tilmaameen Nabi-Mohamed oo madaxa banbaano ku wata iyo isaga oo indhaha ka xidhan oo laba naagood ay garab taaganyihiin iyo kuwa kaleba sawiradaan kartoonka ah ee ay ku tilmaameen nabi mohamed(s.w.c)

ayaa waxay noqotay danbiyadii oogu waaweynaa ee diinta islaamka laga galo ma'ahan markii oogu horaysay ee wadanka Denmark uu si cad u wax ooga sheego diinta islaamka waxay arintan wadeen in mudo ah. ilaa ay gaadhey heer aad u xun oo xadka ka baxsan markii uu joornaalkan soo baxay dadka muslimiinta ah ee ku nool wadankaa way ka dhiidhiyeen oo banaan baxyo ayay dhigeen ay ku eedaynayaan joornaalka iyo soo saarayaashooda. xataa waxaa dawlada u dacwooday 11 safaaradood oo muslim ahaa oo wadanka Denmark joogay dawladu waxba kama aysan qabanin soo saarayaashii jariiradadaa oo waxay dhaheen waa codka xorta ah ee jariiradaha (FREEDOM OF SPEACH) taasi oo cadeyneysa in ay dawladu ku taageersan tahay in diinta muslimka la caayo. waxayna dadka muslimiinta ahaa u direen warqado handadaad soo saarayaashii joornaalka oo ilaa iyo hada dhuumasho ku maqan iyaga oo naftoodii u cabsaday

BOQORADA WADANKA DENMARK

boqorada wadanka denmark Margrethe II, ayaa iyaduna isla sanadkan 15/04/05 waxay tidhi hadalo aad u kulkul oo looga soo horjeedo dadka muslimiinta ee wadankeeda ku nool iyo guud ahaan diinta islaamka waxayna tidhi waa in laga hortagaa diinta islaamka oo dunida khatar ku ah kuna faafaysa sida kansarka. waana in aan la dagaalanaa diinta islaamka sida loola dagaalamo cudurka kansarka ayay tidhi taasi oo ah arin aad loola yaabo in uu qof masuul isku sheegaya uu sidaa u hadlo waxayna taa cadeyneysaa naceybka ay dawlada denmark u heyso jiritaanka diinta islaamka. iyo jaahilnimada boqoradooda oo aan gareynin sida loo hadlo qof waalana xaataa sidaa uma hadleen waxna kama sheegeen diin ay aaminsanyihiin billion ruux.

horaantii bishii october 2005, ayaa madaxweynaha wadanka Iran waxuu yidhi Israel waa in maabka aduunyada laga tirtiraa hadalkaas oo la yaab ku noqotay aduunweynaha oo dhan wadamada qaarkood sida Ingiriiska (UK) ay dheen waa in talaabo military laga qaadaa Iran qaar kalena ay u soo jeediyeen dhaliil iyo handadaad dawlada Iran. su'aasha u baahan in la is weydiiyo ayaa waxay tahay, maxay aduunweynahu u arki waayeen ama u dhaleecayn waayeen hadalkii boqorada Denmark ee ahaa ha lala dagaalamo dadka muslimiinta sida loola dagalamo cudurka kansarka ah. waxay aniga ila tahay in ay la mid tahay boqorada Danishka hadalka ay tidhi midka uu yidhi madaxweynaha Iran, oo marka ay leedahay ha lala dagaalamo diinta muslimka iyo dadka muslimka micnaheedu waa ha laga tirtiro aduunyada. marka waa in aduunyaduna ay dawlada danishka talaabo military ay ku qaadaan

marka dawladaha reer galbeedku hadii ay daacad yihiin maxay boqorada danishka hadalkeedii iskaga indho tireen kii madaweynaha iran loo arkay durba. wadamada reer galbeedku waxay ku dhaqmayaan usha la jiifiyaa banaan la joojiyaana banaan (double standard) anigu ma lihi hadalkii madaxweynaha Iran wuu saxsan yahay mana lihi wuu khaldanyahay mana taageersani fikirkiisa, laakiin hadii ay aduunayadu u aragto in hadalkiisu uu khatar ku yahay nabada aduunyada, waxaa isaguna khatar ku haya nabada aduunyada hadalkii boqorada danishka. hadii ay wadamada reer galbeedku go'aansadaan in ay dagaal ku qaadaan wadanka Iran waa in ay wadanka danishkana dagaal ku qaadaan taasi oo aan dhaceynin.

waxaa hadalkaa ay ku hadashay boqorada Denmark illaah ayaa boqor ahee ay u muuqataa in ay tahay jaahilad aan aqoon u laheyn diinta islaamka iyo dadka muslimiinta ah waxayna marisay sawirkii wadanka ay mataleyso burush xaar leh oo aduunweynaha oo dhan waxay u arkaan in ay denmark noqotay (new-nazi of eurpe) naazifa-cusub ee yurub. waxaana sidaa ku tilmaamay joornaal ka soo baxa wadanka ingiriiska (dailly telegraph)30/04/05,.

QAXOOTIGA (Immigration)

wadanka Denmark ayaa qaxooti aad u fara badan ay soo galeen bilawgii sanadkii 1990kii qaxootigaas oo ay badidoodu ay ka yimaadeen wadankii burburay ee soomaliya. Qofka qaxootiga ah marka uu soo galo wadanka denmark ayaa waxaa la geeyaa xeryo loo sameeyay qaxootiga oo uusan qofku ka bixi karin sidii xabsi oo kale oo looma ogola in uu banaanka u baxo, waxaana halkaa lagu hayaa inta shaeci laga siinayo waxayna dadka qaarkii ku jiraan xeradaas mudo dheer. xeryahaas dadka ku jira waxy iskugu jiraan xaasas caruur yar yar ah wata dhalinyaro iyo dad waayeel ah, marka qofka sharciga la siiyo ee loo ogolaado in uu magaalada degi karo ayaa hadana waxuu la kulmaa darbi kale oo hortaagan, cunsirinimo, shaqo la'aan, wax barasho la'aan luuqada iyo dhexgalkii bulshada oo adag waxaana dadka badidiis ku dhaca cudurka la yidhaahdo isku buuqa(depression) mudo kadibna uu keenaa waali waayo waxa uu filayay iyo xaqiiqada meesha taala ayaa aad u kala fog. hadii aan si daacad ah u hadalo way jiraan dad ka faaiideystay iyaga oo aad u dadaalay wadanka danishka laakiin dadka sida uu u badan yahay waxaa hor istaagan sharciyo darbi ah oo loogu talagalay in uusan qofku wax horumar ah sameynin isla markaasina uu taagnaado maalintii uu soo galay meesha uu taagnaa xag waxbarasho iyo xag dhaqaaleba meesha wadamada kale ee qaxootiga qaabilaa ay aad iyo aad ooga furfuran yihiin qofkuna uu wax qabsan karo ayna ku xidhan tahay kartidaada. taasi ayaa kaliftay in laga soo cararo

dadkii qaxootiga ahaa ee wadankaa ku noolaa waxay ka sheegteen dhibaatooyin aad u fara badan oo ay ka mid yihiin in lagula kacay midab takoor, sharci la'aan loona diiday shaqooyinkii iyo wax barasho la'aan. taasi oo ay kaliftay in soomalida badideed ay ka soo cararaan wadanka Denmark oo ay soo galeen wadanka Ingiriiska(UK) iyaga oo u arkayay in ay ka jaanis badan tahay xaga shaqada iyo wax barashada dadkii ka soo guuray wadanka Denmark oo isugu jira xaasas iyo dhalinyaro ayaa waxay dageen gobolada ingiriiska(uk) gaar ahaan magaalada leicter.

10-ka sano ee soo socota waxay u muuqataa in soomalida wadanka Denmark ku nool ay ka soo guuri doonaan iyaga oo raadinaya meel u nolol dhaanta sida wadanka ingiriiska.

mar looga hadlayay qaxootiga baarlamanka Danishka ayaa naag ka mid ah dawlada ayaa waxay tidhi qaxootiga soomalida diyaarado helicopter ah ha lagu guro kadibna ha lagu daadiyo wadankoodii taasi oo ah wax biniaadanimada ka baxsan dadku marka diyaarada laga tuurayo ma jawaano qamadi ahbaa( taasi waa maskaxda qofka cunsiriga ah ee sida khaladka ah u fikirta mas'uulna isku sheegeysa) naagtani waxay cadeyneysa naceybka ay u qabto dadka ajnabiga ah ee wadankooda ku nool.

ilaa iyo 2001 markii weerar loo geystay wadanka mareykanka ayaa dawlada Denmark waxay kaanbeyn u bilawday sidii ay wax u yeeleyn lahaayeen diinta muslimka iyo dadka muslimiinta ahba marka Denmark waa cadowga cusub ee qarsoon ee diinta muslimka. waxaana waajib ka saaran yahay qof kasta oo muslim ah in uu qeyb ka qaato sidii wax looga qaban lahaa cadowga cusub ee muslimiinta loogana soo horjeedsan lahaa iyada oo banaanbaxyo lagu sameeyo safaarad kasta oo Danish oo aduunyada ku taala .

NETHERLAND

Wadankan Netherland ayaa isaguna lagu tirin jiray wadamada siyaasadoodu dhexdhexaadka ay tahay laakiin waxaa wadankan ku yimid is badal siyaasadeed sidii loo dilay nin filimida soo saari jiray ninkan oo isagana caayay diinta islaamka filimna ka sameeyay isaga oo cawimaad ka helay sameynta filimka naag soomaliyeed oo gaaloowday kuna dhaaratay in ay la dagaalanto diinta islaamka. diinta ay ka baxday daraadeed ayay Netherland doorteen in ay baarlamaanka ku soobiirto oo ay MP(MEMBER PARLAMAINT) ka noqoto aqalka hoose ee baarlamaanka iyadana waxaa lagu soo rogay in la dilo 24 saac waxaa ilaaliya waardiye illaahayna aduunyada ayuu cadaabkii oogu soo saaray. oo xaataa dukaan wax kama soo iibsan karto waa in mar walba booliis ilaaliyaa naagtan oo lagu tilmaamo in ay aad iyo aad u maskax yar tahay kuna balan furtay diinteedii ay ku dhalatay wadankan Netherland ayaa isaguna waxuu soo rogay sharciyo wax lagu yeelayo dadka muslimiinta ah sida iyaga oo mamnuucay xijaabka ay haweenku xidhaan ee lagu magacaabo jilbaabka waxayna dhaheen waxaan ka mamnuuceynaa meelaha dadku isagu yimaadaan sida suuqaqa, bususka,airporka, dukaamada taasi micanaheedu waxaa weeyaan xijaabka gurigaaga dhexdiisa ku xidho oo lama ogola banaanka waxa aad xijaabka u baahan tahay waa marka aad baanaanka u soo baxdo.

iyaga oo sabab ooga dhigay mamnuucaas in aan la arkeynin waxa ay hoosta ku heystaan oo laga yaabo in ay banbaano hoosta ku wataan iyo in ay bulshadu is dhexgasho, is dhexgalkoodu micnaheedu waa in ay dadku khaniis noqdaan, daroogada cabaan xijaabka tuuraan taasi oo micnaheedu tahay si dadban ula dagaalan dadka muslimiinta ah. wadankan ayaa isagana qaxooti aad u fara badan oo ku noolaa oo u badan soomali ay ka soo guureen iyaga oo ka cabanaya midabtakoor iyo shaqo la'aan waxayna u soo guureen wadanka Ingiriiska (uk) dadka ka soo guuray holland waxy u badan yihiin xaasas caruur wata iyaga oo caruurtooda u raadsanaya meel ooga mustaqbal roon waxayna dadkan dageen bobolada wadankan sida leicter birmingham. netherland iyadana waxaan ku dareynaa cadowga cusub ee muslimiinta.

FRANCE

Wadanka faransiiska waxaa ku nool muslimiin aad iyo aad u fara badan oo ay badidoodu ka yimaadeen wadamadii carabta ahaa ee uu fransiisku gumeysan jiray dadka muslimiinta ayaa waxaa lagu hayaa midab takoor dheeraad ah iyada oo loo diido shaqooyinka taasi oo ay keentay in kacdoon aad iyo aad u balaadhan u ka dhacay 2 wiig ee la soo dhaafay halkaasi oo ay dadkii dhalinyarada ahaa ee ku dhashay wadanka fransiiska markii ay u adkeysan waayeen midab takoorka lagu hayo ay wadooyooyinka weerar ku qaadeen iyaga oo gubay in ka badan 1000 baabuur gubayna meelo ganacsi khasaare aad u balaadhana u geystay magaalada paris iyo magaalooyin kale oo ku dhaw dhaw. halkaasi oo lagu xidhxidhay dad aad u fara badan ciidamo dheeraad ahna wadooyinka lagu soo daayay si loo sugo nabada taasi waxay tusaysaa in ay shacabka ajnabigu ay dagaalami karaan iyaga oo xuquuqdooda raadsanaya.

waxyaabaha kale ee la yaabka leh waxaa ka mid ah markii ay dawlada farnsisku ay mamnuucday in ay gabdhaha muslimiinta ah ay xijaabka xidhaan marka ay iskoolka dhiganayaan taasi oo keentay banaanbaxyo aad ubalaadhan oo looga soo horjeedo go'aanka khaladka ah ee ay dawladu soo saartay. france iyadana waxaan ku dareynaa cadawga cusub ee muslimiinta.

UNITED KINGDOM

Wadankan ingiriiska ayaa isaguna waxaa ku nool muslimiin aad u badan oo ka kala yimid aduunweynaha oo dhan waxii ka danbeeyay sep 2001 ayaa wadnkan ingiriiska waxuu garab istaagay wadanka mareykanka oo ay labadooduba ku dhawaaqeen in ay dagaal kula jiraan dadka muslimiinta ah taasi oo dhibaato aad u balaadhan ay soo gaadhay dadka labadaa wadan ku nool waxayna la kulmeen midab takoor loo geysto iyo shaqooyinkii oo lagu cidhiidhiyay iyo baadhitaan dheeraad ah waxaa laga yaabaa in qofka ay booliisku ay u gartaan muslim in joojiyaan oo ay baadhaan baabuurkiisa iyo jeebabkiisa taasi oo kalsooni la'aan ku abuurtay dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaa wadanka ingiriiska.

iyada oo dhibaatadaas ay heysatay muslimiinta ayaa hadana waxaa oogu darsantay qaraxii loo geystay ingiriiska bishii 7/7/05, ee sanadkan oo ay ku dhinteen 58 ruux oo la socday tareemada dhulka hoostiisa mara iyo bus wadada marayay halkaasina ay ku dhaawacmeen dad lagu qiyaasay 700 oo ruux waxaa laba wiig ka dib iyagana qaaday koox kale oo uu weerarkoodii dhicisoobay banbaanooyinkii ay wateena u qarxi waayeen 21/07/05, taasi oo kaliftay in dadkii muslimiinta ahaa ee aan danbiga laheyn loo geysto weeraro isdaba joog ah gaar ahaan haweenka xijaabka qaba.

wadankan ingiriiska ayaa sep2001 ka dib ayaa waxy soo saareen shrci ay oogu magac dareen sharciga argagixisada (terror law) oo ay oogu talo galeen in wax lagu yeelo muslimiinta qofka ay ka shakiyaan. sharcigaas oo ah in qofka la xidhi karo waligiis isaga oo aan lagu cadeyn danbigii loo heystay maxkamadna la horkeenin taasi oo ka soo horjeeda sharciyadii hore ee ay sameysteen ee ay oogu magac dareen sharciga biniaadnimada(human right).

ilaa iyo intii la soo saaray sharcigan boliiska iyo ciidamada dharcada ee la yidhaahdo MI6 iyo MI5 waxay xidhxidheen dad aad u badan oo qaarkood la soo daayay qaarna wali xidhan yihiin. sharcigan ayaa in mudo ah muran ka taagnaa in uu sharci daro yahay , ka dibna dawladu way soo yaraysay waxayna ka dhigtay 3 billood wali taas laguma qancin oowali muran yaa ka taagnaa iyada oo loo arkayay in ay iyaduna sharci daro tahay. bishii November 2005 ayaa waxaa sharcigan ayaa baarlamaanka cod loogu qaaday in la ansixiyo iyo in la diido laakiin waxaa batay dadka diidan codkoodii halkaasna dawlada waa looga badiyay walina doodii way socotaa waxaa laga yaabaa in al isku raaco in laga dhigo 28 maalmood. sharciga markii hore jiray ayaa waxuu ahaan jiray in hadii ay booliisku qof ay xidhaan in ay maxkamad ku geeyaan 48 saacadood oo lagu soo oogo danbigii loo heystay hadii lagu helana la xidho hadii lagu waayana la sii daayo.

wararku waxay sheegayaan in gabadh xijaabkii ay qabtay inta batrool lagu bilbilay ka dibta traq lagu daaray iyo qoys kale oo muslimiiin ah oo gurigoodii lagu gubay taasi oo ay kaliftay in dadkii muslimiinta ahaa ay ku abuuranto cabsi dheeraad ah. arintaasna waxaa kalifay kooxo arimo siyaasadeed wata oo aan dan ka leheyn dhibaatada dadka muslimiinta soo gaadheysa diinta muslimku way ka soo horjeedaa in aan dad shicib ah in aad leyso anftaadana aad disho adiga isticmaalaya magac diimeed. kooxihii isku dayay iyo kuwii qarxiyay london ma aysan aheyn dad shaqo ku leh diinta muslimka magac muslim way wateen laakiin sida dad xo'ogaal ah ay sheegeen diin shaqo kuma aysan laheyn waxayna ahayeen dad maskaxdooda la dooriyay arimo siyaasadeedna filinaya. laakiin indhaha dawlada ingiriiska ayaa waxay ku heysaa in muslimiinta oo dhan ay wax ka og yihiin qarxinta ay kooxahan ku kaceen waxayna ku dhufteen shabad ah bdanbiilayaal dhamaan muslimiinta waxaa wadankan isagana ku dareynaa cadawga cusub ee diinta islaamka.

MEDIA(saxaafada)

saxaafada reer yurub khalad weyn ayay ka galeen diinta islaamka iyo dadka muslimiinta ahba waayo marka ay koox wata dano gaar ah ama ka socda urur siyaasi ah ay geystaan qarax ayaa waxay ku magacaabaan argagixisada muslimka(muslim terrorist) waxaana iskaga khaldan diinta iyo qofka ficilka uu ku kacayo waana in aysan cadaw ka sameysan dadka muslimiinta ah oo dhan kuna tilmaamin in muslimiinta oo dhan ay yihiin argagixiso waayo dadka muslimiinta waa dad jecel nabada iyo xasiloonida waana in ay kala saaraan diinta iyo danbiilayaasha. hadii aan tusaale u soo qaadano wadankan waxaa in kabadan 40 sano qarxinayay oo la dagaalmayay jabhada la yidhaahdo IRA(IRISH REPUBLIC ARMY) waligoodna laguma tilmaamin irishka-christaanka ah ee tareemada qarxiya waxaa kale oo iyagana mudo dhan 20 sano yurub qarax ka waday jabhada la dagaalanta wadanka SPAIN ETA iyagana waligood laguma tilmaamin ETA-christiyaanka ah ee wax qarxisa marka waxaa halkaa ka cad in arintan ah muslim terrorist loola jeedo xumeynta iyo magac ka dilida diinta islaamka.

al-qaeda waa urur marka ay wax qarxiyaan waa in ay saxaafada reer galbeedku ay oogu yeedhaan magacooda laakiin ma'ahan in ay dhahaan argagixisada muslimiinta ah saaxafada reer galbeedka waxaa iska leh oo gacanta ku haya israel ama yahuuda iyaga ayaana buunbuuninaya muslimiinta argagixisada ah si loogu arko diinta muslimku in ay aduunayada khatar ku heyso si loola dagaalo ama cadow loogu sameeyo sida wadanka Denmark,Netherland Farance, UK ,iyo kuwa kale oo farabadan oo loo isticmaalo si gaar ah.

Xaalada uu maanta muslimku ku jiro waa mid aad khatar u ah dawladahaas aan kor ku soo sheegay waxaa oogu sii daran naceybka diinta muslimka waa wadanka Denmark oo ay boqortooyadiisu iyo madaxdiisuba ay cadeysteen in ay dagaal kula jiraan dadka muslimiinta ah iyo jiritaanka diinta muslimka ahba arintaa oo la yaab ku noqotay muslimiin farabadan oo ku nool wadanka Denmark laakiin in lala yaabo ma'ahan ee waa in talaabo laga qadaa sidii wax looga qaban lahaa nazigan cusub ee u soo baxay la dagaalanka muslimka(Danish is a hidden enemy of muslim nation).danishku waa cadowga qarsoon ee dadka muslimiinta ah.


Source:Eng:Ahmed Mukhtar Sheikh
Ogadennews

CONTACT BY EMAIL