WELCOME TO OGADENNEWS |
||
SOMALI LINKS
| Markab laga leeyahay dalka Norway, oo nooca kimikada qaada ah ayaa waxa afduubay budhcad badeed Somalia ah. Markabka oo marayey xeebaha ka baxsan Jasiirada Madagascar, ayaa Captain-ka Markabku u sheegay shirkada leh ee BROEVIGTANK, in ay budhcad badeed markabka saaran yihiin. Agaasimaha shirkada markabka leh, Svenn Pedersen, ayaa sheegtay in markii Captainku u sheegay in la qabsaday ay is-gaadhsiintii ka go'day. Markabka ayaa waxa saaran 21 shaqaale ah, wuxuuna ka tegay maaalada Fujairah, ee Imaaraadka Carabta(UAE) isagoo u socday dekeda Dar Es Salaam ee dalka Tanzania. Markabka ayaa aad uga fogaaday goobaha ay budhcad badeedu wax ka afduubaan, oo dhinaca Koonfurta isu badiyey, sida uu sheegay Pedersen. Wuxuuna hada ku sii jeeda dhinaca Waqooyi ee Somalia, ayuu yiri Pedersen, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in uusan ka warqabin in shaqaalihii markabka, oo uu ku tilmaamay in ay Asia yihiin, in wax dhibaato ah la gaadhsiiyey. Wasaarada Arrimaha Debeda ee Norway ayaa sheegtay in lagu soo wargeliyey, in markab Norway laga leeyahay la afduubay. Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Debeda ayaa sheegay in mar haddii uusan markabku wadan calanka Norway, ama ayan saarnayn shaqaale Norway ah, in aan Norway kaalin weyn ku lahayn xaalada markabkaas. Budhcadeeda Somalida ayaa la sheegay in ay bada ka afduubeen sanadii 2009 ilaa 68 markab, waxaana la sheegay in ay ka qaateen lacag lagu qiyaasay 68 milion oo dollar, oo madaxfurasho ah. ogadennews1@hotmail.com ![]() |
SOMALI MAQAAL
|
Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah
waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
|
||
© 2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
||