WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Brown oo qaabbilay sheikh Shariif madaxweynaha ku meel gaarka somalia

9/3/10, Madaxweyne Shariif iyo Raiisalwasaare Gordon Brown Madaxweynaha Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo hadda booqasho ku jooga dalkan Britain ayaa sheegay in uu gacan buuxda ka helay Ra'iisal Wasaaraha Britain, Gordon Brown, ka dib markii shalay uu kula kulmay xafiiskiisa.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Wasiirrada wafdigiisa ka mid ah ay la sii wadi doonaan Wasiirrada Britain dhinacyada laga saacidi doono dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif, shir saxaafadeed oo uu maanta ku qabtay hoteelkiisa, wuxuu sheegay in dowladdiisu ay ciidan xoog leh diyaarineyso.

Mar la weydiiyay in taa macnaheedu yahay in uu ka quustay xagga dib u heshiinta, wuxuu ku tilmaamay in dowlad kasta, xataa hadday tahay mid aan dagaal kula jirin kooxo, ay tahay in ay ciidan diyaarsato.

Xagga nabaddana wuxuu sheegay in magaalada Addis Ababa bishaan March 12 keeda, ay heshiis ku geli doonaan dowladda TFG iyo Ahlu Sunna.

Sababta Addis Ababa loogu qabanayo markii la weydiiyay waxaa uu ku jawaabay in muhiimaddu ay tahay in heshiis la gaarayo, laakiin aanay ahayn meesha lagu gaarayo.

Wargeyska New York Times wuxuu qoray, ayaa la weydiiyay Madaxweynaha, in Mareykanku uu xagga dagaalka kala qeyb geli doono dowladda Soomaalida ee arrintaasi ma jirtaa?

Madaxweyne Shariif wuxuu ku jawaabay in haddii Mareykanku xagga cirka gacan ka siiyo marka lala dirirayo Shabaab, ay tahay arrin uu soo dhoweynayo.

Mareykanku waxay mararka qaar weerarro ku qaadaan Soomaaliya meelo ka mid ah, waxayna sheegaan in weerarkoodu uu ku wajahnaa shakhsiyaad ay aad u baadi goobayeen. Arrintaasi nabadda ma waxbay idinka tartaa, mise dadka ayay idinku sii dirtaa? Ayaa la weydiiyay Madaxweynaha.

Wuxuu ku jawaabay, maaddaama Shabaab ay caddeysatay xiriir in ay la leedahay al Qaacida, isla markaana ay dalka joogaan dad ajnebi ah oo al Qaacida ka tirsan, weerarradaasi waa kuwo wax ka taraya in la wiiqo Shabaab.

Madaxweynuhu wuxuu Isniintii ka hadlay Chatham House oo ah Aqal aqooneed baaritaan ku sameeya soona bandhiga siyaasadaha dibadda.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar