OGADENNEWS
 

dawlada Eriteria oo ku amartay in UN kaga baxdo xadka la isku heysto

8/12/05,
dawlada Eriteria ayaa waxay ku amartay in UN kaga baxdo xadka la isku heysto mudo dhan 10 maalmood gudahood. united nation ayaa waxay ka codsatay dawlada eriteria in aysan ka saarin nabad ilaaliyaasha UN-ta ee jooga xadka la isku heysto.

waxay un-tu tidhi suuro gal ma'ahan ina aan ooga baxno 10 maalmood gudahood ayuu yidhi General Kofi Annan xidhiidhka u dhaxeeya eriteria iyo ethiopia ayaa aad u hooseeya iyada oo laga cabsanayo in uu labada wadan dagaal cusub ka dhex bilawdo. ka saarida nabad ilaaliyaasha un-ta ayaa ah xaalad aan suuro gal aheyn waxaa sidaas yidhi wariyaha BBC oo ka soo waramaya eriteria un-tu waxay tidhi ma aan rabno in aan dhaawacno shaqadii nabad ilaalinta aheyd ee aan wadney mudo dheer waxaa sidaas yidhi madaxa ciidamada nabad ilaalinta mr.Jean-Marie Guehenno.

wax sharaxaad ah kama aysan bixinin eriteria ka saarida un-ta wadankeeda laakiin siyaasiinta eriteria ayaa waxay sheegeen in ay tan u tahay tusaale wax ka qabasho la'aanta united nation in ay xaliyaan buuqa ka taagan xadka ay isku heystaan ethiopia.

dawlada ethiopia ayaa waxay ethiopia ku tidhi talaabada ay eriteria qaaday waa mid aan habooneyn waxna aan caawineynin.


Source: BBC
Ogadennews -

CONTACT BY EMAIL



 
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar