WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Dagaal Qaraar oo Saaka Ka Qarxey Banddiiradlleey:

13/11/06, Tuulada Banddiiradlleey oo magaalada Gaalkacyo ka soo xigta dhinaca Koonfuureed ,ayaa Saaka aroornimadii uu ka dhacey dagaal aad u culus ,wuxuuna dagaalkaas u dhaxeeyaa Ciidmada ‘Cabdi Qaybdiid iyo Puntland’ iyo kuwa golaha Maxaakiimta oo waayadan isku horfadhiyey duleedka Tuuladaas ,waxaana toddobaadyada aan soo dhaafney oo dhan socdey dagaal dhinaca afka oo ay isweydaarsanayeen.

Qasaaraha dagaalkaas ka dhashey oo Faahfaahsan lama hayo ,laakiin xiriirro badan oo ay shabakadaan xiriiro ay la sameeysey gobollada dhaxe ee Soomaaliya Gaar ahaan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ciidmada ,Maxaakiimtu kula wareegeen Deegaanka Banddiiradlleey iyo shan ka mid ah gaadiidka dagalka ee tiknikada loo yaqaano .

Afhayeenka u hadlley golaha maxaakiimta ‘Maxamuud Maxamed Jimcaale Cagaweyne’ ayaa saxaafadda Magaalada Muqdisho u sheegey inay Qabsadeen Deegaanka Banddiiradleey,Saddex Higllo,iyo Dagaari ,wuxuuna sheegey inay si xoog leh uga guuleeysteenwaxeyna gacanta ku dhigeen laba taangi iyo l3 cabdi bili gawaari dagaalna ay ka qabsadeen ,waxayna u firxadeen buu yiri Howdka dhinaca xudduudda Itoobiya ,mar la weydiyey qasaaraha dhinacooda iyo dhinaca kale gaarey wuxuu ku gaabsadey weli faahfaahin kama hayo hase yeeshee saacadaha soo socda ayaan shir jaraa’id ku sheegi doonaa.Dhinaca Cabdi Qaybdiid iyo Puntlaand wax war ah oo dagaalkaas ku saabsan kama soo bixin.

Haddaba si aan u xaqiijinno sheegashada Golaha maxaakiimta ayaa shabakadda shabakadu waxay la xiriirtey nin ku sugan magaalada Gaalkacyo ,wuxuuna noo sheegey inuu dagaalku uu weli ka socdo gudaha iyo duleedka Banddiiradlleey ,wuxuuna noo xaqqiijiyey inay ciidamo gurmad ah oo kumanaan gaaraya oo ay iska leeyihiin Maamulka Puntland iyo kuwo Itoobiyaan ah ay weli si isdabajoog ah ugu sii qulqulayaan halka uu dagaalku ka socdo ,ciidmada uu sheegey waxay wateen dabaabaadka dagaalka iyo kuwa gaashaaman oo boqolaal Gaaraya .

Si kastaba xaalku ha ahaadee waxaa socda dagaal aad u culus oo aan la saadaalin Karin waxa uu ku dambeeyo ,hase yeeshee wixii soo kordha dib ayaan ka soo sheegi doonnaa,insha allaah.


Source:BBC(London)
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar