WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiran ayaa waxaa ka jira fatahaad aad u balaaran taaso geysatay qasaaro naf iyo maalba leh.

13/11/06, Saakay waabarigii ayaa magaalada B/weyne waxaa hal mar is qabsaday sawaxanka dadka magaalada oo guryahooda ka qaxayo dhibaatada fatahaada awgeed, dadkani ayaa waxay durbaba bilaabeen in ay adeegsadaan gaari dameero iyadoo ay adkeed in ay galaan gawaaradia inta badan xaafadaha magaalada B/weyne.

Xaafada sida aadka ah ay fatahaayadu u waxyeeleeyeen ayaa waxa ka mid ah xafadaha Irid Aamin, Xaawa taako, Kutiimbo, Buundaweyn, Duunsubagle iyo xaafado kale.

Dadka qaxaya aya waxay u qaxayeen banaanka magalada B/weyne iyo buuraha sare ee aysan biyu gari Karin iyadoo Xaafada Howlwadaag ee Dhanka Galbeed magaalada B/weyne ay noqotay xafada kaliya ee Fatahaada ka bad baaday marka looo eego xaafadaha kale ee Fatahaadu waxyeelaysay.

Intabadan ganacsatada magaalada B/weyne ayay waxyeelo ka so gaartay Fatahaadahani kuwasoo sida ay sheegen bakhaaradoodii ay biyaha ugu soo galeen.

Waxaa adkeyd sakaay magaalada B/weyne in aad hesho baabur kuu qaado alaabto iyadoo ay circa isku shareereen kirada Gaaridameerada kuwaasoo ah kuwa kaliya ee sida tooska saakay ay dadku ugu qaxayee.

Muuqaal ahaan ayaa sakay waxaad dareemaysaa in uu qax balaaran ka jiro magaalda iyadoo sida caadada ka ah gudaha Soomaaliya ay dadku ka qaxi jireen dagaalo sokeeye ayaa saakay waxaa si aad ay dadka reer B/weyne ka qaxayeen Fatahaada webiga.

Xarunta dhexe ee gobolka magaalada B/weyne aya saakay waxaa galay biyaha wabiga uu soo tufay, xaruntani ayaa waxay saldhiga maamul u aheyd Maxkamadda Islaamiga ee B/weyne balse saakay ayay halkaasi isaga huleeleen dhamaan dadkii ka shaqeynayay, goobtaasi oo aheyd goo ay subax kastaa ka socon jireen dhamaan dacwadaha ay isu qabaan dadka iyagu is daceynayay sidoo kale waxay goob maamul u aheed maamulka maxkamada B/weyne.

Waxaa saakay sidoo kale magaalada ay dadku ka cabsi qabeen in ay Go’do Buundada Liiqliiqato oo ah Buundada isku xirta Dhanka Bari iyo kan Galbeed ee magaalada sidoo kale mid taas le’eg ayaa ka jirtay dhanka Buundada lagu magacaabo Buundoweyno oo labaduba ah kuwa kuwa ku dhexyaala gudaha magaalada halbowlana u ah isku xirka dadweynaha magaalada B/weyne.

Dadka sida weyn ula socda taariikhda magalada B/weyne aya waxya sheegeen in dhibaato tan oo kale ah ay magaalda ugu dambeysay sanadkii 1997-kii balse waxay qiyas ka bixiyen sababta keenta in markastaa oo uu webigu buuxsamo ay halis gasho deganaanshaha magaalada in ay tahay wabiga oo magalada B/weyne u mara qabka xarafka S-(ES).


Source:BBC(London)
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar