SOMALI LINKS
|
22/01/10,
Cumar Cabdirashiid Sharmarke
Ra'iisul wasaaraha KMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay warbixintii ay shalay soo saartay
hey'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International.
Wareysiga Ra'iisul Wasaaraha
Warbixinta ayaa ku baaqaysay in hubka la siinayo laga joojiyo dowladda KMG ah, tan iyo
inta laga helayo nidaam lagula socdo in hubkaasi aan loo isticmaali doonin in lagu laayo
dadka rayidka ah iyo in suuqyada lagu iibiyo
ama gacanta u galo maliishiyooyinka Soomaalida.
War saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa waxa lagu sheegay in warbixinta hey'adda Amnesty
International inay tahay mid aan xaqiiqada ku saleyneyn.
Ra'iisul Wasaaraha dowladda KMG ah Cumar Cabdirashiid Sharmarke, waxaa uu wareysi uu
siiyay BBC ku sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen tayeynta
ciidamada dowladda.
Warbixinta Amnesty, ayaa lagu sheegay in weerarada madaafiicda ay laayaan dad badan-
isla markaana ay tahay waqtigii ay beesha caalamka ee deeqda bixisa ay
tallaabooyin adag qaadi lahaayeen si loola socdo, loona maamuli lahaa taageerada ay
siinayaan dowladda.
ogadennews1@hotmail.com

|
SOMALI MAQAAL
|