WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Dagaalka Beledweyne ka socda

22/01/10, Beledweyne Magaalada dhexdeeda dagaal kama dhicin maanta Dagaal ka dhacay dulleedka magaalada Beledweyne ayaa saaka waxaa magaalada kula wareegay Xisbul Islaam iyo Shabaab.

Dagaalka ayaa ka bilowday Faaf-gumare oo ku taalla meel dhinaca bari kaga beegan magaalada Beledweyne.

Warbixinta

Ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam iyo Shabaab ayaa lagu arkayay magaalada dhexdeeda, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada magaalada soo galay ay ka qaateen qoryo iyo qalab kale shaqaalaha hey'adaha samafalka qaarkood.

Qof degan Beledweyne

Lama oga qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka maanta, laakiin dad goob joog ah ayaa sheegay in ay arkeen meydka saddex qof iyo afar dhaawac ah, oo ka tirsan dhinacyada dagaallamayay.

Magaalada Beledweyne ayaa dadku ka qaxeen, iyadoo ay xaalado adag dadkaasi ugu nool yihiin tuulooyinka magaalada u dhaw.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar