|
|||||||||||||||||
WELCOME TO OGADENNEWS |
|||||||||||||||||
SOMALI LINKS
| Dagaal dhexmaray laba beelood oo somali ah halkaas oo ay dad gaadhaya 21 ruux ku nafwaayeen labada dhinacba
02/10/06,
Laba beelood oo Soomaali ah
Dagaal ay isaga horyimaadeen, ayaa ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Mudug, oo ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya u dhaxaysa.Sida lagu helayo wararka dhinaca isgaariisiinta ee gobolkaasi, ugu yaraan 21 qof, ayaa dhimatay oo labada dhinac isugu jirta, tiro intaasi ka badanina wey dhaawacmeen kaddib markii dhallinyaro ka tirsan labada dhinac uu iska horimaad hubaysani ku dhex maray degaanka Dac-Dheer oo ilaa 70Km dhinaca Woqooyi Galbeed ka xigta degmada Cadaado, halkaas oo ay degaan ahaan isaga dhow yihiin labada dhinac ee dirartay. Sababta dagaalkani kicisay, ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto khilaaf dhinaca biyaha iyo daaqa ah kaddib markii uu degaankaasi Dac-Dheer roob ka da'ay xilli degaanka intiisa kalena ay qalalan tahay. Wararkii ugu dambeeyey ee ka yimid dhinaca degaankaasi, ayaa sheegaya in maanta ay xaaladdu deggenayd, oo aanay wax dagaallo ahi dhicin ilaa iyo shalay, waxaana amuurtaasi ku soo baxay culumaa'uddiinka degaanka ee labada dhinac, kuwaasoo kala dhex galay raggii iska soo horjeeday, haatanna loo fadhiyo sidii loo dhammaystiri lahaa khilaafka.
Source:BBC(London) Ogadennews.com - CONTACT BY EMAIL ![]() |
SOMALI MAQAAL
|
|||||||||||||||
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
|||||||||||||||||