SOMALI LINKS
|
13/2/10,
Baarlamaanka Soomaaliya
Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Badbaado), ayaa ku dhawaaqay in uu ka baxay baarlamaanka ku
meelgaarka ah ee Soomaaliya.
Xildhibaanka, ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho waxaa ka sheegay in sababaha uu
uga baxay baaralmaanka ay ka mid yihiin iyadoo aan la hayn wax Soomaali u madaxbanaan tahay, sida
uu hadalka u dhigay,
oo dibadaha laga maamulo dowladda ku meelgaarka ah.
Wuxuu ku eedeeyay ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa ka jooga Muqdisho in ay madaafiic si
ka fiirsasho la'aan ah ugu duqeeyaan goobaha yar ee rayidku ku haray.
Wuxuu sheegay in uu la joogo shacbiga Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in uu Allah isku dhiibay.
Warar ayaa sheegaya in Xildhibaanku uu u galay kooxda Al-shabaab, oo gacanta ku haysta dhulka uu
xildhibaanku sheegay in uu hadda ku sugan yahay, waxaase uu ku adkaystay xildhibaanku in aysan
jirin cid uu si gaar ah isugu dhiibay.
ogadennews1@hotmail.com

|
SOMALI MAQAAL
|