OGADEN NEWS




Amnesty oo Britain eedeysey

Warbixinta amnesty

Hey'adda u ololeyesa xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa dowladda Britain ku eedeysey iney jabisey sharcigii qaxootiga. Amnesty waxa ay isticmaalka xariggaas dowladda ku shraxdey inuu yahey "rafaad qarsoon" oo ku dhacaya dadka tabarta daran oo ay ku jiraan dad la jir diley, haween uur leh iyo qoysas wata caruur yar yar iyo dad khatar ugu jira iney iyagu wax is-yeelaan oo ku rafaadsan ama lagu dadareenayo xeryaha lagu hayo dadka aan sharciga heysan ama xabsiyada.

Tirooyin ay Amnesty International isku geysey ayaa muujinaya in 25,000 oo ah dad magangalyo siyaasadeed dalbanaya la xirey sanadkii na soo dhaafey, tiradaas oo Amnesty ay sheegtey iney aheyd in ku dhow saddex duleed labo meelood dhammaan dadkii magangalyada siyasadda Britain weydiistey sandkii hore.

Amnesty waxa ay intaas raacisey in dad xiristu ay aheyd mid bakhtiyaa-nasiib ah oo ku saleysneyd in maxbuuska siriir loo heli karo iyo in kale, halkii ay ka eegi lahaayeen in xariga qaxootiga uu daruuri yahey oo loo baahanyahey oo uu habboonyahey.

Dadka dowladda Britain lagu eedeyey iney xabistey waxa ka mid ah kuwa waddamadoodii uga soo cararey jir-dil iyo tacdiyo loo geysanayo.

Warbixinta Amnesty International waxa ay warkeeda ku soo gabagabeysey in markii la eego keesas badan oo ku saabsan xarigga Britain u geysatey dadka magangalyo doonka ah uu xarigaasi yahey mid aan sharciga waafiqsaneyn oo sharci-dorro ah.

Sababtuna waxa ay tahey bey tiri Amnesty xariga dadkaas loo geestey saxariir ayuu badey dadka magangalyo doonka ah ee la xirxirey, islamarkaana ma aanu dhalin ujeedadii ay masuuliinta Britain ka lahaayeen xarigaas oo aheyd in la dedejiyo masaafirinta dadka ku guuldareystey iney helaan Magangalyo siyaasadeed.

Wasaaradda Gudaha ee Britain waxa ay sheegtey in xarigga lagula kacey dadka magangalyada siyaasadda dalbanaya ay tahey wax "loo baahnaa", si laanta socdaalku u yeelato kontoroolis waxqabad leh. Waxana wasaaradda Arimaha Guduhu intaas raacisey in qof kasta oo la xirey ay habboontahey in loola dhaqmo si ay ku jirto "aadamanimo iyo sharaf dhowris".

SOURCE: AMNESTY INTERNATIONL