 |
|
| Al-Shabab |
Ugu yaraan 15 qof, ayaa ku dhintay dagaal maalintii labaad ka dhacaya
deegaanka Wabxo ee ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.
Dagaalka, ayaa u dhexeeya kooxda Al-shabaab iyo
taageerayaasha ahlu-Sunnah Waljamaca, oo horay ugu dagaalamay deegaano ka
tirsan gobolada dhexe.
Dad u badan maati isugu jirta dumar, caruur iyo wayeel,
ayaa ku barakacay dagaalka oo wali ka socda magaalada.
Wax waanwaan ah oo ilaa hadda ka dhex socota dhinacyada
dagaalaya ma jirto.
|