WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


New Page 1
Dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho
 

 
 
dhaawac
Dagaallada Muqdisho ka dhaca waxa inta badan ku dhaawacma rayidka
26/03/09, Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, labaatan kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo maanta ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

 

 

Dagaalka oo u dhexeeya laba kooxood oo iska soo horjeeda, ayaa shalay gelinkii danbe si goos goos ah ku bilowday waxaana uu soo xoogeystay maanta, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabanayaan xaaladda.

Dadka ku dhaawacmay dagaalka maanta ayaa waxa intooda badan la geeyay isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale qaar ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah ayaa cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday wasiirka arrimaha gudaha Shiikh Cabdulqaadir Cali Cumar, iyadoo qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Xisbul Islaam ay u booqasho ugu tageen wasiirka.

Mas'uuliyiinta booqday wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxa ka mid ahaa Dr Cumar Iimaan iyo Yusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde.


ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar