WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Gudoomiyaha baarlamanka oo ugu baaqay maxaakiimta inay ciidankooda dib uga soo celiyaan Baydhabo.

09/11/06, Gudoomiyaha golaha baarlamaanka federaalka Somalia md Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ugu baaqay golaha maxaakiimta soomaaliyeed inay ciidankooda ay dib uga soo celiyaan magaalada Baydhabo ee xarunta u ah dowlada federaalka Somalia.

Munaasabad maanta furitaan u aheyd kulankii dib u heshiisiinta ee dhexmarayay xubnaha dowlada federaalka Somalia ee Muqdisho jooga iyo masuuliyiinta labada golaha ee maxaakiimta islaamka soomaaliyeed ayaa lagu qabtay brrta sheikh sayid binsuldaan alnahyaan ( reer Kuwait ) ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose, waxaana sidoo kale ka soo qeybgalay munaasabadasi 67 xildhibaan iyadoo hadalada inta badan ay jeediyeen masuuliyiinta labada dhinac ay u badaayen sida loogu baahan yahay in la gaaro dib u heshiisiin iyo is afgaray dhexmara dowlada federaalka ah ee Somalia iyo golaha maxaakiimta soomaaliyeed.

Gudoomiyaha golaha baarlamaanka Somalia Md Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulankaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in loo baahan labo qodob oo aad muhiim u ah taasoo uu ku sheegay in la tixgaliyo aqoonsiga ay dowlada caalamka ka heysato iyo sidoo kale iyana loo baahan yahay in la tixgaliyo awooda golaha maxaakimta iyo nabada ka jirta goobaha ay ka taliyaan, wuxuna sheegay inay sababta ugu waa weyn ee ay Muqdishi u yimaadeen ay aheyd in la helo nabad iyo dib u heshiisiin waarta oo labada dhinac dhexmarta, isagoo gudoomiyuhu ka codsaday in cunaqabateynta laga qaado magaalada Baydhabo, isla markaana ay maxaakiimtu ka ogolaadaan inay ciidamadooda ay dib ugala soo baxaan deegaamada ku dhow dhow magaalada Baydhabo, wuxuuna sidoo kale sheegay inuu ku dadaali doono inuu dhanka kalena ka dhaadhiciyo inay iyagana ciidamadooda ka qaadaan aagaga hore, isagoo xusay inay macquul tahay inay dhankooda ay ku adkaankarto ciidamo qaadista.

Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia wuxuu sidoo kale kulankii maanta horta dhaca u ahaa dib u heshiisiinta ee dowlada iyo golaha maxaakiimta soomaaliyeed ka sheegay inay Muqdisho u yimaadeen in la helo dowlada awood leh oo aan hoos tagin dowlado kale oo jaar nala ah ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuna uga mahadceliyay sidii wacneyd ee isaga wafdigiisa loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho oo uu qiray inuu isbedel weyn ku arkay.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gudiga fulinta ee golaha maxaakiimta soomaaliyeed Sheekh Sharif Sheekh Axmed, wuxuuna ka waramaray inay dhinacooda diyaar u yihiin in dib u heshiisiin la gaaro taasina ay tahay hadafka koobaan ee golaha maxaakiimta, wuxuuna ka waramatay halgankii ay maxakiimta u soo galeen iyo sida ay ugu guuleysteen taasoo uu sheegay inay u seheshay qaadashada kitaabta alle, wuxuna ugu baaqay xildhibaanada kale ee ka tirsan dowlada federaalka inay iyaguna sidoo kale ay qaataan kudhaqanka shareecada diinta islaamka, taasoo uu shegay in aduun iyo aaqiroba guul lagu gaarikaro.

Waxa isna goobtaasi ka hadlay gudoomiyaha gudiga shuurada ee golaha maxaakiimta soomalaiyeed, gudoomiyaha qabanqaabada kulankaasi, isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka gudiga fulinta Sheekh cabdiraxmaan Janaqoow, xildhibaan Cumar Xaashi Aadan iyo xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf, kuwaasoo dhamaantood cadeeyey in loo baahan yahay in dib u heshiisiin dhab ah ay la gaari si looga baxo dhibaatada maanta Somalia heysto, iyadoo la shaaciyay in gudiyo farsamo oo ka wada xaajooda dhameynta waxyaabaha la isku maandhaafsan yahay loo sameyn doono kuwaasoo ka wada xaajoon doono ka mira dhalinta hadafkaasi.

Kulankaasi oo ahaa kii ugu horeeyay ee Muqdisho si rasmi ah ay ugu yeeshaan xildhibaanada dowlada federaalka Somalia ee Muqdisho ku sugan iyo masuuliyiinta golaha maxaakiimta soomaaliyeed ayaa intiisa badan wuxuu ahaa mid kaftan iyo hadalo sarbeeb ah ay is dhaafsanayeen labada dhinac


Source:BBC(London)
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar